War Cusub:Duleedka Baladxaawo Caawa ka taagan xiisad Culus.
War Cusub duleedka Baladxaawo Caawa ka taagan xiisad culus iyo Ciidamada Cabdirashiid janan oo qaatay go’aan adag.
Xiisad culus ayaa caawa ka socda duleedka Balad‑Xaawo, gobolka Gedo, iyadoo ay isku horfadhiyaan ciidamada Dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Taliyaha NISA ee gobolka, Cabdirashiid Janan, iyo kuwa Jubbaland.
Jubbaland ayaa sheegtay inay swadaan abaabul dagaal si ay si buuxda ula wareegtay magaalada, halka ciidanka federaalka ay ku sugan yihiin saldhigyada iyo xarrumaha dowlada ee magaalada.
Xiisadda ayaa keentay cabsi xoogan, oo laga qabo in dagaal mar kale uu ka dhaco deegaanka.
Waxaa sidoo kale jirta saameyn ku timid xiisada caawa ka taagan Beledxaawo
Cabdirashiid Janan ayaa qaatay go’aan adag oo ku aaddan xoojinta amniga iyo difaaca ciidamada dowladda, taasoo sii hurisay xiisadda taagan.