Taliyaha Guud ee Ciidanka Pakistan oo Ka Digay In Dalkiisa Uu Si Adag Uga Jawaabi Doono Hanjabaad Nukliyeer
Taliyaha guud ee ciidanka Pakistan, Jeneraal Asim Munir, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Mareykanka, ayaa digniin culus ka jeediyay xilli uu casho la qaadanayay jaaliyadda Pakistan ee gobolka Florida, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Jeneraal Munir ayaa sheegay in haddii Pakistan ay dareento khatar ama hanjabaad nukliyeer, ay si buuxda u difaaci doonto jiritaankeeda. Wuxuu yiri:
“Haddii Pakistan ay dareento khatar iyo hanjabaad nukliyeer ah, waxaan nahay dal heysta nukliyeer. Mar kasta oo aan aragno burbur nagu soo wajahan, kala bar adduunka ayaa nala burburaysa. Uma aabba-yeelayno cid nagu soo gardaroota iyo qof kasta oo taageera — waxaan la beegsan doonaa nukliyeerkeenna.”
Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sare u kacayaan xiisadaha gobolka, gaar ahaan xiriirka Pakistan iyo dalalka dariska ah. Bayaanka Jeneraalka ayaa si weyn looga falceliyay baraha bulshada, iyadoo qaar ku tilmaameen mid khatar ah, halka kuwa kalena u arkeen difaac sharciga dalka ah.
Ma jiro weli wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Mareykanka oo ku saabsan hadalkan.