Benjamin Sesko Oo Mushahar Ka Yar Qaadanaya Viktor Gyökeres Inkastoo Uu Noqday Saxiixa Ugu Qaalisan
Warbixin uu daabacay wargeyska UK Mirror ayaa muujisay in weeraryahanka cusub ee Manchester United, Benjamin Sesko, uu qaadan doono mushahar ka hooseeya kan xiddiga Arsenal, Viktor Gyökeres, inkastoo uu noqday saxiix aad uga qaalisan.
Sesko, oo 22 jir ah, ayaa si rasmi ah uga soo wareegay kooxda RB Leipzig, isagoo Red Devils kula biiray heshiis gaarsiisan £74 milyan – taas oo ka kooban £66.4 milyan oo qiimo go’an ah iyo £7.6 milyan oo gunnooyin ah.
Waxa uu qalinka ku duugay heshiis shan sano ah, isagoo usbuucii mushahar ahaan u qaadanaya £160,000, taas oo sanadkii u dhiganta in ka badan £8.3 milyan.
Dhanka kale, Viktor Gyökeres ayaa Arsenal kaga soo biiray Sporting Lisbon bishii Luulyo, heshiis lagu qiimeeyay £64 milyan.
Xiddiga reer Sweden ee 27 jirka ah ayaa isna saxiixay heshiis shan sano ah, isagoo usbuucii mushahar ahaan u qaadanaya £200,000, taasoo sanadkii ka dhigeysa £10.4 milyan, kahor inta aan lagu darin gunnooyinka.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Sesko uu diiday dalab mushahar aad u sareeya oo ay Newcastle United u bandhigtay, si uu ugu biiro kooxdiisa hadda ee Manchester United – taasoo lagu tilmaamay go’aan uu ku muujiyay rabitaankiisa inuu ka ciyaaro garoonka Old Trafford.
Labadan weeraryahan ee la filayo inay mustaqbalka horyaalka Premier League ka mid noqdaan kuwa ugu halista badan, ayaa la isku arki doonaa Axadda, markaas oo Arsenal iyo Manchester United ay kulankooda ugu horreeya ku wada ciyaarayaan bilowga xilli ciyaareedka cusub.