Gary Lineker: Arsenal Waxey Ku Guuleysan Karaan Premier League Haddii Gyökeres Bilaabo Qaab Ciyaareed Fiican
Weeraryahankii hore ee xulka England, Gary Lineker, ayaa rumeysan in kooxda Arsenal ay fursad dhab ah u leedahay hanashada horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan – balse waxa uu sheegay in arrintaas ay si weyn ugu xirnaan doonto qaab ciyaareedka weeraryahanka cusub ee Viktor Gyökeres.
Arsenal ayaa xagaagan la soo wareegtay Gyökeres, oo kaga yimid Sporting CP lacag gaareysa ilaa £63 milyan.
Weeraryahanka 27 jirka ah ayaa xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu u saftay kooxda reer Portugal dhammaan tartamada.
Lineker, oo ka hadlayay barnaamijka The Rest Is Football podcast, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda uu Gyökeres u leeyahay Arsenal xilli ciyaareedkan.
“Waxey ku xirnaan doontaa sida uu Gyökeres u ciyaaro,” ayuu yiri Lineker. “Wuxuu dhaliyay gool aad u qurux badan intii lagu jiray kulamadii diyaar garowga xilli ciyaareedka, balse dhammaanteen waan ognahay in kulamadaas aysan muhiim ahayn.”
“Sidaas darteed, waxaan aaminsanahay in wax badan ku xirnaan doonaan isaga, balse waxaan ognahay inuu heli doono wada-shaqeyn fiican. Waxaan filayaa inay markale si aad ah ugu dhowaan karaan hanashada horyaalka.”
Arsenal ayaa xilli ciyaareedkii hore kusoo dhammaatay kaalinta labaad ee Premier League, iyagoo si adag ula tartamayay Manchester City. Taageerayaashu waxay rajeynayaan in Gyökeres uu yahay xiddigga ka dhigi kara guushaas mid dhab ah xilli ciyaareedkan.