Madaxweynihii Hore Sheekh Shariif oo Dhaliil Culus U Jeediyay Dowladda, kana Hadlay Khatarta Al-Shabaab ee Muqdisho Ku Hareereysan.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaliilay dowladda hadda jirta, isagoo muujiyay walaac weyn oo ku aaddan joogitaanka xoogagga Al-Shabaab ee ku sugan hareeraha magaalada Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa ku tilmaamay arrin “aad u nasiib darro ah” in kooxda Al-Shabaab ay mar kale kusoo dhowaato caasimadda, in kastoo laga xoreeyay magaalada wax ka badan toban sano kahor.
Wuxuu ku eedeeyay arrintan in ay ka dhalatay habka khaldan ee loo adeegsaday ciidanka qaranka, isagoo tusaale cad u soo qaatay dhacdadii ugu dambeysay ee ka dhacday Tarabuunka.
“Waa ayaan darro in maanta la dhaho Al-Shabaab ayaa magaalada ku hareereysan, iyadoo laga xoreeyay Muqdisho wax ka badan toban sano kahor. Sababta keentay waa ciidankii oo loo adeegsaday si qaldan, wixii ka dhacay Tarabuunka ayaana caddeyn u ah,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Isagoo muujinaya caro, Sheekh Shariif ayaa sidoo kale xusuusiyay Madaxweynaha hadda jira Xasan Sheekh Maxamuud dhibaatooyinkii ay la kulmeen xilligii uu xukunka hayay Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, wuxuuna uga digay in taariikhdaas mugdiga ah ay dib u soo laaban karto.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay sii kordhinayaan dhaliisha ka dhan ah sida dowladda u wajahday la dagaalanka Al-Shabaab, gaar ahaan marka loo eego xaaladda amni ee caasimadda.