Wasiirka Amniga Gudaha oo La Kulmay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika – Diiradda oo la saaray Amniga iyo La-dagaallanka Argagixisada
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta xarunta wasaaradda ku qaabilay Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire El Hadji Ibrahima Diene, iyo wafdi uu hoggaaminayay oo ay ka mid ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee amniga dalka, horumarka laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika.
Intii uu socday kulanka, Danjire El Hadji Ibrahima Diene ayaa si weyn u bogaadiyay dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoreyneyso deegaanada ay ku sugnaayeen kooxaha argagixisada, isagoo si gaar ah u ammaanay howlgalada guuleystay ee dhawaan lagu xaqiijiyay amniga iyo xasilloonida deegaano muhiim ah.

“Midowga Afrika waxa uu si buuxda u garab taagan yahay Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana ka go’an in aan sii wadno taageerada dhinaca amniga iyo dib u xasillinta dalka,” ayuu yiri Danjire Diene.
Dhinaca kale, Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay wafdiga Midowga Afrika taageeradooda joogtada ah, isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay wadashaqeynta ka dhaxaysa ciidamada ammaanka Soomaaliyeed iyo kuwa AUSSOM.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo iskaashiga caalamiga ah, si loo dardargeliyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada loona xaqiijiyo amniga guud ee dalka.