Chelsea ayaa Stamford Bridge ku soo dhawaynaysa Crystal Palace kulan ka tirsan Premier Leaque-ga.
Chelsea waxa ay bilaabi doontaa ololaheeda Premier League iyadoo marti galin doonta Crystal Palace garoonka Stamford Bridge maanta saacada 4:00 galabnimo.
Blues oo ka soo cusboonaatay ku guuleysiga Club World Cup-ka ayaa hiigsaneysa in ay guul ku bilowdaan xilli ciyaareedka cusub ayna sii dheereystaan rikoorkooda guuldaro la’aanta ah ee Palace.
Crystal Palace, oo xilli ciyaareedkooda ku bilowday Community Shield , ayaa raadineysa guusheedii ugu horreysay ee Premier League ee Stamford Bridge tan iyo Abriil 2017 , markaasoo ay maamulayeen Sam Allardyce .
Tan iyo markaas, waxaa laga badiyay 7 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqdeen Buundada.
Xaqiiqooyinka Kulanka Muhiimka ah:
Chelsea ayaan laga badinin 15-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League oo ay wajahday Crystal Palace (W13 D2).
Tani waa markii labaad Chelsea iyo Palace ayaa fooda isdari doona xili ciyaareedka furitaanka; kii ugu dambeeyay wuxuu ahaa 2021-22, markaasoo ay Chelsea badisay 3-0.
Chelsea ayaa badisay dhamaan afartii kulan ee hore ee London Derby ee furitaanka Premier League usbuuca dhamaadkii (vs West Ham 2000 & 2016, Charlton 2002, Palace 2021).
Chelsea waxay sidoo kale leedahay rikoor adag marka ay furto xilli ciyaareedkeeda iyadoo ka hortimid kooxdii hore ee FA Cup-ka, iyagoo badiyay labadii kulan ee hore (Portmouth 2008 – 4-0, Man United 2004 – 1-0).
Indhaha oo dhami waxay eegi doonaan haddii ay Chelsea sii wadan karto orodkeeda ugu wayn ama haddii Palace ay soo saari karto lama filaan.