Laba Xiddig Oo Man United Ka hor Istaagay Saxiixa Eberechi Eze
Arsenal oo ka baxday tartanka Eberechi Eze si ay mudnaanta u siiso horumarka dhalinyarada
Arsenal ayaa si rasmi ah uga baxday tartanka loogu jiro saxiixa Eberechi Eze oo ka tirsan Crystal Palace, iyagoo door biday inay diirada saaraan horumarinta laba ka mid ah da’yarta mustaqbalka leh.
Go’aankan ayaa imaanaya iyadoo Ethan Nwaneri uu qandaraas cusub oo waqti dheer ah u saxiixay Gunners ka dib xilli ciyaareed wanaagsan, inkastoo ay xiiseynayeen Chelsea iyo Borussia Dortmund.
Arsenal ayaa u aragta mid muhiim u ah mustaqbalkooda.
Marka laga soo tago Nwaneri, xiddiga soo kacaya ee Max Dowman ayaa sidoo kale ka soo baxaya Hale End Academy, kooxduna waxa ay doonaysaa in aanay hor istaagin horumarkeeda iyada oo la imanaysa weeraryahan kale oo khadka dhexe ah.
Natiijo ahaan, Tottenham Hotspur waxay hadda u muuqataa inay xor u tahay inay raacdo Eze iyada oo aan tartan kala kulmin kooxda ay xafiiltamaan ee Waqooyiga London.