Kararkii Aqoonsiga hay’adda NIRA,oo Lagu Boobay Cabudwaaq Dib Loo Wareejiyey.
Kararkii Aqoonsiga hay’adda NIRA, oo lagu boobay dhawaan degmada Cabudwaaq ee gobolka Galgaduud, ayaa dib loogu wareejiyey hay’adda NIRA (Hay’adda Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka), kaddib dadaallo lagu xaliyey xiisad ka dhalatay arrintaas.

Xalinta arrinta ayaa timid kadib markii Ugaas Maxamed Ugaas Axmed iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi (Waayeel), ay hoggaamiyeen wada-hadallo nabadeed oo ay qayb ka ahaayeen maamulka degmada Cabudwaaq iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliiska Galmudug.

Xiisaddan ayaa salka ku haysay tabasho ay muujiyeen ciidamo ka tirsan Daraawiishta Galmudug, kuwaas oo ka gadooday mushahar la’aan soo wajahday muddooyinkii u dambeeyey, taasoo ugu dambeyn sababtay in qaar ka mid ah askartaasi ay la wareegaan kararka aqoonsiga si ay dareenkooda u muujiyaan.

Mas’uuliyiinta deegaanka iyo madaxda dhaqanka ayaa ku guuleystay in ay dejiyan xaaladda, ayna hubiyaan in dhammaan dukumentiyadii la la’yahay si nabad ah loogu celiyo hay’adda NIRA, iyadoo la filayo in xal waara laga gaaro arrimaha mushaaraadka ciidamada.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid muujinaysa sida wada-hadalka iyo is-fahamka ay muhiim ugu yihiin xasilloonida iyo habsami u socodka howlaha dowliga ah ee deegaannada Galmudug.