Marc Guehi Oo Niyad-jab Ka Muujiyay Tababare Glasner, Taageerayaashana Liverpool Ku Rajo Weyn Saxiixiisa
Kabtanka Crystal Palace, Marc Guehi, ayaa muujiyay niyad-jab uu ka qabo tababare Oliver Glasner kadib barbarihii 0-0 ay la galeen Chelsea, isagoo ciyaarta kadib iska indhatiray tababaraha.
Ficilkan ayaa kiciyay xanta la xiriirta inuu u wareegayo Liverpool, iyadoo taageerayaashu baraha bulshada kaga falceliyeen si xamaasad leh.
Liverpool ayaa weli raadineysa daafac dhexe cusub kadib suurtagalnimada bixitaanka Ibrahima Konaté, inkastoo ay horey ula soo wareegtay Giovanni Leoni. Saxiixa Guehi ayaa hadda u muuqda mid suurtagal ah ka hor inta uusan suuqa xirmin.