Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaaray Suufka, fariisamo cusub ka sameystay – Dhaqdhaqaaq laga dareemayo xuduudka Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya.
Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa gaaray magaalada Suufka ee ku taalla xadka u dhexeeya Soomaaliya, Itoobiya iyo Kenya, halkaasoo ay ka sameysteen fariisamo cusub, sida wararku ay sheegayaan.
Dhaqdhaqaaqyo militari ayaa si weyn looga dareemayaa aagga xuduudaha ee saddexagalka ah ee wadamadan, iyadoo xaaladdu ay tahay mid sii kacsanaysa.
Maalmihii u dambeeyay, magaalada Suufka waxaa ku sugnaa Madaxweyne Ku-xigeenka Jubbaland iyo Guddoomiyaha Dooloow, taasoo muujineysa muhiimadda iyo xasaasiyadda goobta.