Gary Neville waxa uu bedelay saadaasha 4-ta sare kadib kulamadii furitaanka Premier League
Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa qirtay in kulamadii furitaanka horyaalka Premier League ay ku qasbeen inuu dib u eegis ku sameeyo saadaashiisa hore ee afarta sare.
Inkasta oo Liverpool ay 4-2 ku garaacday Bournemouth isla markaana ay Manchester City 4-0 kaga badisay Wolves, haddana waxay ahayd guuldaradii Manchester United 1-0 ka soo gaadhay Arsenal taas oo ka dhigtay Neville inuu dib u eego awooddooda.
Isagoo la hadlayay Sky Sports, Neville wuxuu yiri: “Waa isbedel soo daahay, laakiin waxaa jira cadeymo, mararka qaarkood hal kulan kaliya ayaa ku tusin kara waxa ay kooxdu awood u yeelan karto xilli ciyaareedka oo dhan.”
Waxa uu haatan aaminsan yahay in United aysan u qalmin booska afarta sare.
Marka laga hadlayo tartanka horyaalka, Neville wax yar ayuu u arkaa in uu kala saarayo saddexda sare ee horyaalka – Liverpool, Man City, iyo Arsenal.
Si kastaba ha ahaatee, wuxuu iftiimiyay weeraryahanka Swedishka ah ee Viktor Gyökeres inuu yahay mid wax ka bedeli kara Arsenal.
“Arsenal waxay haysataa fursad la mid ah Liverpool iyo City, ma hubo inay ku guuleysan doonaan, laakiin saxiixa Gyökeres wuxuu sameyn karaa farqi weyn,” Neville ayaa hadalkiisa raaciyay.