Lewandowski oo dhaleeceeyay Ballon d’Or, kuna tilmaamay FIFA Fairer-ka ugu fiican
Weeraryahanka kooxda Barcelona Robert Lewandowski ayaa si cad u dhaleeceeyay nidaamka abaal marinta Ballon d’Or, isagoo soo jeediyay in uu yahay mid ay wadaan ganacsi ka badan cadaaladda.
Wareysi uu siiyay BBC, weeraryahanka reer Poland ayaa sheegay in abaalmarinta FIFA The Best ay u muuqato mid si cadaalad ah oo dheeli tiran loo aqoonsanayo qaab ciyaareedka ciyaartoyda.
Lewandowski ayaa su’aal galiyay kalsoonida lagu qabo abaal marinta Ballon d’Or isaga oo waydiiyay: “Keebaa ka muhiimsan: Carwada The Best, Mise Ballon d’Or ganacsi?”
Waxa uu sidoo kale ka tarjumay maqnaanshaha 2020, markii xafladda Ballon d’Or la kansalay sababo la xiriira masiibada COVID-19, in kasta oo uu Bayern Munich ku hogaamiyay seddexley taariikhi ah – kaasoo ugu dambeyntii isu beddelay lix koob.
Isagoo dhoola cadeynaya, wuxuu ku daray: “Ma jiro qof si dhab ah u fahmaya… waa qeyb ka mid ah kubada cagta iyo siyaasaddeeda.”
Hadalkiisa ayaa la mid ah hadaladii uu dhawaan sheegay Cristiano Ronaldo, kaasoo sidoo kale shaki geliyay sida loo bixiyo Ballon d’Or.