Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Wayne Rooney: Gyökeres Waa Ciyaaryahan Wanaagsan, Balse Weli Waa Inuu La Qabsado Culayska Premier League

Wayne Rooney: Gyökeres Waa Ciyaaryahan Wanaagsan, Balse Weli Waa Inuu La Qabsado Culayska Premier League

Halyeeyga kubadda cagta England, Wayne Rooney, ayaa si faahfaahsan uga hadlay bandhiggii weeraryahanka cusub ee Arsenal, Viktor Gyökeres, kaddib markii uu kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League guul muhiim ah uga caawiyay kooxdiisa inay 1-0 kaga badiyaan Manchester United.

Rooney, oo falaneynayay kulanka, ayaa sheegay in inkasta oo Gyökeres mararka qaar go’doon ahaa oo aanu helin taageero buuxda, haddana uu si cad u muujiyay awooddiisa jir ahaaneed iyo dagaalnaanta garoonka:”Hal mar ayuu si awood leh ugu dhacay xerada ganaaxa, isagoo si fudud kubbadda uga jiitay Matthijs de Ligt – taasina waxay muujinaysaa xooggiisa.”

Halyeeygii hore ee Manchester United wuxuu intaas ku daray in aan lagu degdegin in la xukumo ciyaaryahan hal kulan:“Gyökeres ma aha ciyaaryahan xun, lagumana qiimeeyo hal kulan.

Waxaan daawan jiray markuu joogay Coventry City, markaasna waan fahmay in uu yahay ciyaaryahan tayo leh.”

Si kastaba ha ahaatee, Rooney wuxuu si toos ah uga hadlay caqabadaha uu wajihi karo Gyökeres iyadoo lagu jiro horyaalka ugu adag kubadda cagta:
“Premier League waa mid si weyn uga duwan meelihii uu ka soo ciyaaray.

Culayska waa weyn yahay, Arsenal waxay isaga ku aamineen booska weerarka, waxayna ku bixiyeen lacag badan. Su’aasha hadda taagan waa: ma awoodi doonaa inuu culayskaas xamilo?”

Rooney ayaa tusaale u soo qaatay ciyaartoy badan oo magaca weyn lahaa balse aan u adkeysan culayska koox weyn sida Manchester United, isagoo xusay in wax walba ay soo ifbixi doonaan bilaha soo socda.

Viktor Gyökeres, oo xagaagan kaga soo biiray Arsenal kooxda Sporting Lisbon, ayaa laga sugayaa inuu noqdo weeraryahanka ay Gunners ku tiirsanaato xilli ciyaareedkan, iyadoo rajeyneysa in ay u dagaallanto hanashada horyaalka.