Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Madaafiic ku dhacday xerada Hiilweyne ee duleedka Muqdisho.

Madaafiic ku dhacday xerada Hiilweyne ee duleedka Muqdisho.

Tiro hoobiyayaal ah ayaa xalay lagu weeraray xerada ciidamada ee Hiilweyne, oo ku taalla inta u dhaxeysa magaalada Muqdisho iyo degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Xeradan oo ay degan yihiin cutubyo katirsan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ah xarun dhowr jeer booqasho ku tageen madaxda dowladda, taasoo muujineysa muhiimadda ay leedahay.

Wararka  ayaa sheegaya in madaafiicda badankeedu ay ku dhaceen gudaha xerada iyo meelaha u dhow, balse lama xaqiijin in ay jiraan wax khasaare ah oo soo gaaray dad shacab ah.

Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha milateriga weli kama aysan hadlin weerarka, iyadoo xaaladda amni ee gobolka ay weli tahay mid kacsan.