Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Qarax khasaaro geestay oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

Qarax loo maleenayo in uu yahay miino hareeraha waddada la galiyay ayaa la kacday gaari ay la socdeen odayaal caan ka ahaa duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan deegaanka Ceelasha Biyaha biyaha iyo deegaannada kale ee ku dhaw dhaw.

Sida aan wararka ku helnay gaariga la qarxiyay ayaa marayay waddo marta deegaanka Jabad Geelle , waxaana mar qura gaariga la kacday miino, taa oo si weyn u burburisay gaariga ay la socdeen raggan oo la sheegay in ay ahaayeen kuwa dhulalka cabira.

Inta la xaqiijiyay qaraxan miino waxaa ku dhintay labo nin oo odayaal ahaa oo magacyadooda lagu kala sheegay Cali Kadawe iyo Maxamed Cumar , waxaa sidoo kale la sheegay in dhaawac culus soo gaaray askari la socday labada oday ee geeriyootay.

Ciidamo katirsan booliiska Soomaaliya iyo kuwa NISA, ayaa tagay aaga uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka sameeyeen howlgal aan wali la shaacin natiijada kasoo baxday, waxa ayna halkaasi ciidamada ka qaadeen meydadka labada nin ee geeriyootay.

Qaraxyada miino ee la dhigo hareeraha waddooyinka ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay aad u yaraaday, mana jirto ilaa hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Jabad Geelle ee katirsan Ceelasha Biyaha.