Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ciidamada DFS & Kuwa Macawiisleyda oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobolka Hiiraan

Ciidamada DFS & Kuwa Macawiisleyda oo dhaqdhaqaaq ciidan kawada Gobolka Hiiraan

Gobolka Hiiraan Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle waxaa ka socda abaabul xooggan oo lagu dardargelinayo howlgallada dib looga qabsanayo ‘AS’ Deegaannada ay gacanta ku hayaan sida ay Mustaqbal u sheegeen saraakiil iyo ilo kala duwan.

Qorshaha howlgalkaan waa mid ka duwan kuwii hore, ciidamada ayaa marka ay qabsadaan deegaannada ay duullaanka ku yihiin ku wareejin doonno ciidamo Booliis ah oo Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle iska kaashanayaan.

Ciidamada Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda ayaa saldhigyo ka dhiganaya duleedka Magaalooyinka si ay uga hortagaan duullaanka uga imaan kara dhinaca ‘AS’ loona adkeeyo amniga Magaalooyinkaas sida hadalka loo dhigay.

Isku xirka howlgalka Hiiraan iyo kuwa ka socda Gobollada xadka la wadaago ayaa diiradda la saarayaa sida ay ku warrameen saraakiil katirsan ciidamada Dowladda Federaalka, halka mas’uuliyiinta xilalka haya ay xoogga saarayaan abaabulka Bulshada iyo isku xirkooda.