Trump oo Ka Carooday Warbixin Sheegeysa in Ukraine Qarxisay Dhuumaha Shidaalka Ruushka si ay Dagaalka ugu Soo Jiiddo Hungary
Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa caawa si cad u muujiyay caro xooggan kadib warbixin sirdoon oo la helay, taas oo lagu sheegay in Ukraine ay si ula kac ah u qarxisay dhuumaha shidaalka Ruushka ee isku xira Hungary iyo Slovakia. Ujeeddada weerarkan ayaa la sheegay inay ahayd in Ukraine ku qasabto Hungary — oo ka soo horjeeday qorshaha NATO ee taageerada Ukraine — inay dagaalka ku lug yeelato.
Ra’iisul Wasaaraha Hungary, Viktor Orbán, oo xiriir dhow la leh Trump iyo sidoo kale Madaxweyne Putin, ayaa maanta fariin si toos ah ugu diray Trump, isagoo sheegay in Ukraine ay qaaday tallaabo “doqonimo ah” oo aysan ka fikirin cawaaqibka, kuna danbeyn doonta in la fahmo waxay damacsan tahay, kadib weerarkii ay la beegsatay dhuumaha shidaalka.
Trump oo ka falceliyay farriintaas ayaa yiri: “Orbán, ma jecli inaan maqlo arrintan. Aad ayaan uga carooday.”
Viktor Orbán ayaa loo arkaa inuu yahay saaxiibka ugu weyn ee Trump ee qaaradda Yurub. Sidoo kale, bishii December 2024, markii uu Madaxweynihii Suuriya, Bashaar Al-Assad, dareemay khatar ku wajahan xukunkiisa, wuxuu si degdeg ah ula xiriiray Viktor Orbán isaga oo ku yidhi: “Fadlan la hadal Trump, ma doonayo in aan wajaho wixii dhacay.”
Si kastaba ha ahaatee, Trump ayaa markaas si cad u sheegay mowqifkiisa isagoo yiri: “Bashaar ma aha saaxiibkay, mana doonayo in aan ku lug yeesho hawsha uu wado Erdogan.”
Arrintan ayaa sii adkeyn karta xiriirka xasaasiga ah ee u dhaxeeya Ukraine, NATO, iyo dalalka Yurub qaarkood, xilli uu dagaalka Ukraine-Ruushka weli socdo, kana taagan yahay khilaaf dhinacyo badan leh.