Wednesday, October 14, 2026
HomeWARARKADood Siyaasadeed Oo Ka Dhalatay Ka Bixitaanka Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta

Dood Siyaasadeed Oo Ka Dhalatay Ka Bixitaanka Siyaasiyiinta Madasha Samatabixinta

Ka bixitaanka siyaasiyiintii hore ugu midaysnaa Madasha Samatabixinta ayaa dhalisay dood xooggan oo ku saabsan saamaynta ay tallaabadani ku yeelan karto jihada siyaasadeed ee dalka, xilli ay sii xoogeysanayaan isqabqabsiga siyaasadeed ee ka jira Soomaaliya.

Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa ku adkeysanaya in siyaasiyiinta ka baxay madasha aysan lahayn miisaan siyaasadeed oo wax ka beddeli kara xaaladda cakiran ee taagan. Sida ay sheegayaan, goobta cusub ee ay u guureen—ay tahay xisbi, gole, ama urur siyaasadeed—ma noqon doonto mid leh awood muuqata oo wax ka tari karta xaaladda dalka.

Si kastaba ha ahaatee, aragti kale oo kasoo baxday isla saaxadda siyaasadeed ayaa muujineysa in ka bixitaankoodu yahay qeyb ka mid ah qorshe ballaaran oo la doonayo in lagu gogol xaaro xukuumad wadaag ah.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in haddii qorshahan hirgalo, siyaasiyiintaasi heli karaan xilal rasmi ah iyo saamayn muuqata oo cusub.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa iyadoo dalka uu wajahayo marxalad kala guur siyaasadeed ah, waxaana la saadaalinayaa in toddobaadyada soo socda ay noqon doonaan kuwo go’aan siyaasadeed laga gaari doono mustaqbalka dhow ee dalka.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -
Google search engine

Most Popular

Recent Comments