Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Gyokeres Oo Dabaal-deg Timaha Ah Kaga Jawaabay Dhaleeceyntii Kulankii Man United

Gyokeres Oo Dabaal-deg Timaha Ah Kaga Jawaabay Dhaleeceyntii Kulankii Man United

Viktor Gyokeres ayaa xaqiijiyay in dabaal-degii uu timaha taabtay intii lagu jiray guushii 5-0 ee ay Arsenal ka gaartay Leeds uu ahaa jawaab u jeesjeeskii iyo dhaleeceyntii uu kala kulmay kulankii Manchester United.

Weeraryahanka reer Sweden ayaa si liidata ku bilowday kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League, isagoo aan xitaa hal laad ku tuurin goolka ka hor inta aan la bedelin qaybtii dambe. Si kastaba, wuxuu si cajiib ah u soo laabtay kulankii Leeds isagoo dhaliyay laba gool garoonka Emirates.

Ka dib markii uu dhaliyay goolkiisii labaad, Gyokeres ayaa sameeyay dabaal-deg uu timihiisa taabtay, taas oo uu sheegay inay ahayd jawaab dadkii ku jeesjeesay.

“Waxaa laga yaabaa — waxay ahayd in wax sidan oo kale ah la sameeyo,” ayuu u sheegay Sky Sports.

“Runtii aad baan ugu faraxsanahay natiijada. Dabcan, waxay ahayd wax weyn inaan dhaliyo labo gool sidoo kale,” ayuu raaciyay.