Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Rodrygo Oo Ka Codsaday Xabi Alonso Inaan Lagu Ciyaarsiin Garabka Midig, Isagoo Doonaya Garabka Bidix

Rodrygo Oo Ka Codsaday Xabi Alonso Inaan Lagu Ciyaarsiin Garabka Midig, Isagoo Doonaya Garabka Bidix

Warbixin kasoo baxday saxafiga Rudra ayaa sheegtay in Rodrygo Goes, weeraryahanka reer Brazil ee Real Madrid, ka codsaday tababare Xabi Alonso in aan loo adeegsan garabka midig, isagoo doorbidaya inuu ku ciyaaro garabka bidix oo uu aaminsan yahay inuu ku habboon yahay xirfadiisa iyo hal-abuurkiisa.

Rodrygo ayaa la filayaa inuu fursad ka helo garabka bidix kulanka maanta ay Madrid la ciyaarayso Real Oviedo.

Booskiisa safka hore ee kooxda ayaa hoos u dhacay, iyadoo ciyaartoyda kale sida Arda Güler iyo Brahim Diaz ay heleen fursado badan.

Si kastaba, hoos u dhaca qaab ciyaareedka Vinicius Jr. ayaa laga yaabaa inuu dib u furo albaabka Rodrygo ee safka koowaad.