Arbaco, 25 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

DFS oo Qorsheynaysa Maamul KMG ah oo Jubbaland Loo Dhiso.

DFS oo Qorsheynaysa Maamul KMG ah oo Jubbaland Loo Dhiso.

Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa qorshaynaysa in Ka hor 25 ka September ay Jubbaland u dhisto maamul KMG ah oo ku imaan doona laba dhinac.

1- In maamulkaasi ku yimaado isfahan siyaasadeed oo sabab u noqda in Shirwayne ka dhaco magaalada Kismaayo, waase hadii uu Axmed Madoobe ogolaado in uu kursiga baneeyo.

2- In shirwaynaha lagu samaynayo Maamulka Jubbaland ee KMG ah uu ka dhaco Garbahareey, kaas oo ay dawladdu xooga ku saari doonto in siyaasiyiinta ka soo jeeda Jubbaland halkaas la isugu geeyo.

Warar dhinaca mucaaradka iyo dawladda aan.ka helay ayaa xaqiijinaya in aanu jirin wax wadahadal hadda la og yahay oo khadka taleefanka ku dhexmaray MD Xassan Shiikh iyo Axmed Madoobe.

Xubno ku dhaw xaafiiska RW Xamse Cabdi Barre ayaa tilmaamaya in uu jiro cadaadis dhanka dawladda Kenya ka haysta Axmed Madoobe MD Jubbaland, kaas oo ah in si Jubbaland ay u hesho maamul rasmi ah uu ogolaado in uu ka laabto doorashadii uu qabsaday si uu u furmo wadahadalku.

Laba ka mid ah mas’uuliyiinta ugu saraysa dalka Kenya oo tagay magaalada Kismaayo ayaa wadahadal arrimahaas la xiriira la yeeshay Axmed Madoobe, taas oo keentay in magaalada Nairobi uu u baqoolo Madaxwaynaha Jubbaland ee dawladdu kursigiisa muranka galisay.

Waxaa kale oo labada dhinac ee dawladda iyo mucaaradku isku raacsan yihiin in aanu jirin wadahadal Fool ka Fool ah oo ay Madaxwayne Xassan Shiikh iyo Axmed Madoobe u balansan yihiin.