Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Ruushka oo Venezuela u Geynaya Diyaaradaha Dagaalka ee Shahed-131/136 xilli Xiisad Cusub ay Ka Dhex Taagan Tahay Mareykanka

Ruushka oo Venezuela u Geynaya Diyaaradaha Dagaalka ee Shahed-131/136 xilli Xiisad Cusub ay Ka Dhex Taagan Tahay Mareykanka

Ruushka ayaa qorsheynaya inuu dalka Venezuela u diro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Shahed-131 iyo Shahed-136, sida uu sheegay kanaalka milatari ee Ruushka ee Rybar. Diyaaradahaan loo yaqaan “kamikaze” ayaa loogu talagalay inay xoojiyaan awoodda weerar ee Venezuela, gaar ahaan haddii Mareykanku isku dayo duullaan milatari.

Tallaabadan ayaa muujineysa xiriir milatari oo sii xoogeysanaya oo u dhexeeya Moscow iyo Caracas, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha u dhexeeya Mareykanka iyo dalalka uu u arko mucaaradka ah, gaar ahaan kuwa ku sugan Latin America.

Diyaaradaha Shahed oo asal ahaan laga sameeyay dalka Iran, ayaa si weyn loogu adeegsaday goobaha dagaalka sida Ukraine, waxaana loo adeegsadaa inay qaadaan walxo qarxa oo ay ku qarxaan bartilmaameedyadooda.

Falanqeeyayaal milatari ayaa sheegay in dirista diyaaradahaan ay tahay fariin cad oo digniin ah. “Dirista diyaaradaha noocaan ah waa mid ka badan difaac – waa fariin looga digayo duullaan kasta,” ayuu yiri mid ka mid ah falanqeeyayaasha arrimaha milatariga.

Ilaa iyo hadda, dowladda Mareykanka kama aysan bixin wax jawaab rasmi ah oo ku saabsan warbixinta la xiriirta hubkan. Si kastaba ha ahaatee, tallaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaaddo xiisadda u dhexeysa Mareykanka iyo Ruushka, gaar ahaan marka ay timaado saamaynta Ruushka ee gobolka Latin America.