Kobbie Mainoo Oo Ka Fiirsanaya Inuu Ka Tago Manchester United Ka Hor Xiritaanka Suuqa
Xiddiga da’da yar ee khadka dhexe ee Manchester United, Kobbie Mainoo, ayaa la sheegayaa inuu ka fiirsanayo mustaqbalkiisa kooxda, iyadoo ay suuragal tahay inuu ka tago ka hor 1-da Sebtembar, marka uu xirayo suuqa kala iibsiga.
Mainoo, oo 20 jir ah, ayaa labo kulan oo Premier League ah kursiga keydka fadhiyay, taasoo dhalisay su’aalo ku saabsan doorkiisa kooxda. Tababaraha cusub Ruben Amorim ayaa sheegay in booska uu la tartamayo Bruno Fernandes, taasoo keentay inuu fursado yar helo.
Wariyaha Graeme Bailey ayaa sheegay in Mainoo uu ka niyad jabsan yahay xaaladdiisa, iyadoo ilaa shan kooxood oo Premier League ah ay xiiseynayaan, oo ay ka mid yihiin:
Chelsea
Tottenham
Brentford
Brighton
Fulham
Si kastaba, sadexda kooxood ee ugu dambeysa ma siin karaan Mainoo fursad uu uga qeyb qaato tartamada Yurub, taasoo muhiim u ah go’aankiisa.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Chelsea ay tahay kooxda ugu dhow ee qancin karta shuruudihiisa, iyadoo uu la sheegay inuu doonayo mushaar gaaraya £180,000 todobaadkii, taasoo ka dhigeysa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu mushaarka badan kooxda haddii uu ku biiro Stamford Bridge.