Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Arne Slot Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Arsenal.

Arne Slot Oo Ka Warbixiyay Xaalada Kooxdiisa Ka Hor Kulanka Arsenal.

Tababaraha Liverpool, Arne Slot, ayaa xaqiijiyay in uusan jirin wax walaac ah oo dhanka dhaawacyada ciyaartoyda ka hor kulanka adag ee Axadda ay la ciyaarayaan Arsenal garoonka Anfield.

Slot ayaa sheegay in Conor Bradley uu diyaar u yahay kulanka, halka Alexis Mac Allister uu ku soo laabtay tababarka buuxa.

Waxa uu intaas ku daray in Virgil van Dijk uu sidoo kale caafimaad qabo, taasoo u muujinaysa xaalad wanaagsan oo dhinaca xiddigaha ah kahor kulanka muhiimka ah ee labada kooxood.