Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Liverpool oo £130 Milyan Ku Heshay Alexander Isak, Weeraryahanka Ugu Qaalisan Taariikhda Premier League

Liverpool oo £130 Milyan Ku Heshay Alexander Isak, Weeraryahanka Ugu Qaalisan Taariikhda Premier League

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay ogolaatay bixinta £130 milyan ginni si ay Alexander Isak uga soo qaadato Newcastle United xagaagan.

Isak, oo heshiiskiisa Newcastle uga haray saddex sano, ayaa markii hore loo arkayay mid aan la heli karin. Si kastaba, Liverpool ayaa ku qancisay weeraryahanka reer Iswiidhan inuu ku biiro kooxda reer Merseyside.

Isak ma uusan ka qaybgalin tababarka diyaar-garowga xilli ciyaareedka cusub ee Newcastle, wuxuuna baraha bulshada uga dhawaaqay in ka tegistiisu ay dan u tahay dhammaan dhinacyada.

Wararka ay faafiyeen David Ornstein (The Athletic) iyo ilo kale ayaa xaqiijinaya in Liverpool ay horay u soo bandhigtay dalabkii ugu horeeyay oo ahaa £110 milyan, laakiin la diiday.

Dalabkii labaad ee Liverpool oo ah £125 milyan + £5 milyan gunnooyin ah ayaa hadda la aqbalay.

Tijaabada caafimaadka ayaa la filayaa inay dhacdo Isniinta, waxaana Isak noqon doonaa ciyaaryahanka ugu qaalisan taariikhda Premier League.

Inkasta oo Liverpool ay hadda ku bixinayso wax ka badan £400 milyan suuqa kala iibsiga guud ahaan, haddana qiimaha Isak ayaa ka hooseeya qiimihii hore ee la qiyaasayay ee ahaa £150 milyan.