Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Putin oo Erdogan u bandhigay iskaashi buuxa oo dhanka difaaca, tamarta iyo horumarinta ah xilli xiriirka Moscow iyo Ankara dib loo cusbooneysiinayo

Putin oo Erdogan u bandhigay iskaashi buuxa oo dhanka difaaca, tamarta iyo horumarinta ah xilli xiriirka Moscow iyo Ankara dib loo cusbooneysiinayo

Putin, ayaa iskaashi buuxa oo dhinacyada difaaca , tamarta iyo horumarinta u bandhigay madaxweynaha Turkiga , Erdogan inta uu socday kulan ay Shiinaha ku yeesheen, iyadoo kulanka kadib uu ku dhawaaqay madaxa iskaashiga hubka Ruushka, Dmitry Shugaev inay heystaan amar buuxa oo la xiriira in dib loo billaabo Iskaashiga dhinaca difaaca ee Moscow iyo Ankara ,

isagoo intaa ku daray in sidoo kale ay horumarin doonaan nidaamyada difaaca iyo dayac-tirka nidaamyada ay horey u siiyeen Turkiga oo uu ku jiro nidaamka difaaca S-400 oo Ruushka uu horey loogu wareejiyay.


Xaaladan waxay muujinaysa isbeddel ku yimid xiriir labada dhinac , waxaana ay ku soo aaday maalmo kadib markii Ruushka uu duqeeyay warshada uu Turkiga ka waday Ukraine , iskaashi kasta oo difaac oo ay dib u billaabaan labadan dal ayaa sidoo kale si cad uga caraysiinaya reer galbeedka iyo xulafada NATO ee Turkiga ku jiro.