Khamiis, 26 Nofembar 2026
Wararka Gudaha

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo lagu xiray magaalada Laascaanood

Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo lagu xiray magaalada Laascaanood

Wararka naga soo gaaraya magaalada Laascaanood ee Caasimadda Dowlad goboleedka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in xabsiga loo taxaabay Ganacsade Maxamed Jabuutaawi oo kamid ah shaqsiyaadka caanka ka ah magaadaasi.

Maxkamadda Gobolka Sool ayaa amartay in la soo xiro Ganacsade Jabuutaawi oo ku eedeysan mucaaradida maamulka curdanka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sawirro la baahiyay ayaa muujinaya Mr Jabuutaawi oo hortaagan xabsiga, isla markaasna ay la socdaan Isimada Maamulka Waqooyi Bari.

Saraakiisha Booliiska Maamulka Waqooyi Bari kama hadlin Xariga ganacsade Jabuutaawi oo dhawaan loo diiday inuu u tartamo Doorashadii Madaxweynaha Waqooyi Bari.