Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Maraykanka oo Dhimaya Kaalmada Ammaanka Dalalka Yurub ee Xuduudka la Leh Ruushka.

Maraykanka oo Dhimaya Kaalmada Ammaanka Dalalka Yurub ee Xuduudka la Leh Ruushka.

 Maraykanka ayaa meesha ka saaraya qaar ka mid ah kaalmada ammaanka ee dalalka Yurub ee xuduudka la leh Ruushka, sida ay sheegeen ilo-wareedyo.

Tallaabadan ayaa la xiriirta siyaasadda “America First” ee Madaxweyne Donald Trump, taasoo dhimaysa deeqaha dibadda iyo ku riixida dalalka Yurub inay kharashaadkooda ciidan daboolaan.

Dalka sida Estonia, Latvia, iyo Lithuania ayaa hore u helay maalgelinta, iyadoo Congress-ka Maraykanka uu ansixiyay barnaamijkaas ilaa Sebtembar 2026. Aqalka Cad ayaa sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay amar uu Trump saxiixay markii uu bilaabay xilkiisa labaad si dib loogu qiimeeyo kaalmada dibadda.

Senator Jeanne Shaheen ayaa go’aanka ku tilmaantay mid khatar gelinaya diyaargarowga difaaca xulafada iyo ciidamada Maraykanka.

Tallaabadan waxay dhici kartaa inay kordhiso welwelka Yurub ee ku aaddan xasillooni darrada gobolka iyo suurtagalnimada gardarrada Moscow.