Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Beesha Mudulood oo Qado Sharaf u Sameysay Hoggaamiyeyaasha Madasha Samabixinta Soomaaliyeed kadib Heshiiskii ay la Gaareen Dowladda Federaalka

Beesha Mudulood oo Qado Sharaf u Sameysay Hoggaamiyeyaasha Madasha Samabixinta Soomaaliyeed kadib Heshiiskii ay la Gaareen Dowladda Federaalka

Siyaasiyiin iyo masuuliyiin ka tirsan beesha Mudulood ayaa maanta qado sharaf u sameeyey qaar ka mid ah Madasha Samabixinta Soomaaliyeed, oo dhowaan heshiis ay wada gaareen Dowladda Federaalka.

Gogosha uu fidiyey Maareeyaha Furtada Dekedda Xamar, Cusmaan Cadaawe, ayaa looga mahadceliyey hoggaamiyeyaasha madasha heshiiska ay dowladda la gaareen, isla markaana ay ku qanciyeen dowladda inay ka tanaasusho qodobadii Dastuurka ee mucaaradka iyo dhinacyada qaar ay doodo ka keeneen.

Masuuliyiinta Madasha ee dhowaan heshiiska la gaaray dowladda ayaa caddeeyey in dalkaan marnaba aysan raalli ka noqon doonin inuu ku laabto doorasho dadban.

Guddoomiyeyaashii hore ee Baarlamaanka, Shariif Xasan iyo Maxamed Mursal, Ra’iisul Wasaarahii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Ambassador Daahir Geelle ayaa ka mahadceliyey kulanka qadada ah iyo martiqaadka loo sameeyey.