Danjire Cali Cabdi Awaare oo Soomaaliya Ku Metelay Kulanka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee
Danjiraha Soomaaliya ee Masar ayaa hoggaamiyay mowqifka Soomaaliya kulankii 164-aad, iyadoo arrimaha Falastiin iyo danaha Carabta diiradda lagu saaray.
Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee Dalka Masar ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Cali Cabdi Awaare ayaa ka qayb galay kulanka meertada 164-aad ee Ururka Jaamacadda Carabta, heerkiisa Wasiirrada Arrimaha Dibadda.
Danjiraha ayaa wakiil ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Danjire Awaare ayaa hoggaamiyay mawaaqifta iyo kaalinta Soomaaliya ee ku aaddan doodihii lasoo bandhigay intii uu socday kulankan kuwaas oo diiradda lagu saaray Danaha Dalalka Carabta iyo gaar ahaan Arrimaha Falastiin.



