Xamaas oo baahisay muuqaal dareen murugo ku abuuray shacabka iyo Ciidamada Israa’iil
Ururka iska caabinta marinka Qasa ee Xams ayaa maanta baahiyay muuqaal Khamiistii toddobaadkii hore la duubay oo ay ka muuqanayaan labo maxbuus oo Israa|liyiin ah, kuwaasoo lagu soo wareejiyay gudaha marinka Qasa .
Maxaabiustan Israa’iiliyiinta ah , ayaa intii la wareejinayay la tusay ficillada arxandarrada ah ee Israa|l ka wado marinka Qasa, waxay dalbadeen maxaabiista in si dhaqso ah heshiis loo gaaro , iyagoo farriin u diray madaxda maamulka Israa’iil .
Waxaa muuqata in muuqaalkan loogu talagalay labo ujeeddo oo middi lagu burburinayo kartida ciidanka Israa|l , meesha looga saaro inay soo furan karaan maxaabiis, maaddama Xamaas ay awooddo wali si xor ah inay ku soo wareejiso marinka maxaabiista ay hayso, si kalsoonida ay dadku ku qabaan ciidanka Israa|l meesha looga saaro.
Muuqaalkan Xamaas baahisay, ayaana dareen murugo ku abuuray shacabka iyo ciidamada Israa’iil oo ka niyadjabsan nolosha maxaabiistan oo Israa’i ku guuldareesatay in ay xoog kusoo furato.