Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Rio Ferdinand: Dembele iyo Yamal oo hogaaminaya tartanka Ballon d’Or, balse Mbappe weli waa kan ugu fiican

Rio Ferdinand: Dembele iyo Yamal oo hogaaminaya tartanka Ballon d’Or, balse Mbappe weli waa kan ugu fiican

Halyeeyga Manchester United Rio Ferdinand ayaa sheegay in Ousmane Dembele (PSG) iyo Lamine Yamal (Barcelona) ay yihiin ciyaartoyda ugu cadcad ee ku guuleysan kara Ballon d’Or sanadkan.

Si kastaba, wuxuu ku adkeystay in xiddiga Real Madrid Kylian Mbappe uu weli yahay ciyaaryahanka ugu sareeya, isagoo xusay in uu dhaliyay in ka badan 40 gool xilli ciyaareedkii hore, isla markaana uu heli lahaa abaalmarinta haddii Madrid ay qaadatay koobab waaweyn.

Ferdinand sidoo kale wuxuu qiimeyn sare siiyay Kylian Mbappe oo ka tirsan Real Madrid, isaga oo ku sareeyay Dembele iyo Yamal. “Haddii aad tixgeliso dhammaan ciyaartoyda iyagoo heer sare jooga, waxaan u maleynayaa in Mbappe yahay ninkaasi,” ayuu yiri Rio Ferdinand.

“Xitaa haddii aan eegno labada musharrax ee ugu waaweyn Ballon d’Or sanadkan — Dembele iyo Yamal — xitaa haddii ay iyaguna heer sare gaareen, weli waxaan oran lahaa Mbappe.

“Wuxuu dhaliyay in ka badan 40 gool xilli ciyaareedkii hore. Haddii Real Madrid ay ku guuleysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore, isla markaana meel fog ka gaartay Champions League, malaha isaga ayaa heli lahaa Ballon d’Or.”