Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

William Saliba oo u diyaar noqonaya Arsenal ka dib markii uu ka badbaaday dhaawac

William Saliba oo u diyaar noqonaya Arsenal ka dib markii uu ka badbaaday dhaawac

Daafaca Arsenal, William Saliba, ayaa la filayaa inuu diyaar u noqdo kulanka muhiimka ah ee kooxdiisu la ciyaari doonto Manchester City dhammaadka bishan, ka dib markii uu u muuqday inuu ka badbaaday dhaawac culus intii lagu jiray guuldarada Liverpool.

Saliba waxaa laga bedelay ciyaarta kaliya shan daqiiqo kadib markii uu ka dhaawacmay kuraanta.

Inkastoo markii hore uu isku dayay inuu ciyaaro, waxaa lagu bedelay Cristhian Mosquera. Maamulaha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa ciyaarta kadib qirtay inuu “ka welwelsanaa” ciyaaryahankiisa.

Xiddiga qaranka Faransiiska ayaa sidoo kale ka maqnaa kulammada isreebreebka Koobka Adduunka ee ka dhici lahaa Ukraine iyo Iceland sababo la xiriira dhaawaca.

Bayaanka Ururka Kubadda Cagta Faransiiska ayaa xaqiijiyey in Saliba uu qabo dhaawac kuraanta ah.

Arsenal waxay si dhow u la socon doonaan caafimaadka Saliba ka hor kulammada muhiimka ah ee soo socda ee ay la ciyaari doonaan Nottingham Forest, Manchester City, iyo Newcastle United.

Si kastaba, Stephen Smith, oo ah madaxa fulinta iyo aasaasaha Kitman Labs, kaasoo ku takhasusay daryeelka dhaawacyada iyo falanqaynta waxqabadka Premier League, ayaa aaminsan in taageerayaasha Arsenal ay rajo wanaagsan ka qabi karaan soo kabashada degdegga ah ee Saliba.