Arbaco, 25 Nofembar 2026
Siyaasadda

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlay isku daygii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Farmaajo Hargeysa lagu keenay

Madaxweynihii hore ee Somaliland Muuse Biixi oo ka hadlay isku daygii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee Farmaajo Hargeysa lagu keenay

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka warbixiyay dhacdo xasaasi ah oo ka dhacday muddo xileedkiisii, taas oo ku saabsan isku day uu Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ku doonayay inuu Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ku geeyo Hargeysa.

“Abiy wuxuu noo yeedhay aniga iyo Farmaajo, wuxuu qudbad noo jeediyay, wuxuuna yidhi ‘heshiisiya’. Waxaan ku idhi: shacabka ayaa i doortay, shacabkuna fariinta keliya ayay ii soo dhiibeen,” ayuu yiri Biixi.

Wuxuu intaas ku daray in mar kale Abiy isku dayay inuu Farmaajo Hargeysa keeno, balse uu ka hortagay, isagoo xusay go’aanka Somaliland ee ku aaddan ictiraafka iyo madax-bannaanida.

“Farmaajo ayaan si toos ah ula hadlay, waxaanan ku idhi: ‘Maanad ahayn nin Soomaali ah? Haddii Hargeysa timaaddo, waa in sida aanu rabno lagu yimaadaa.’ Isaguna wuu ogolaaday, hase yeeshee Abiy ayaa sii riixayay,” ayuu Biixi sheegay, isaga oo sharaxay sida uu u joojiyay booqashadii la qorsheeyay.