Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Ruushka oo Wajahaya Caqabado Amni oo Ka Jira Galbeedka Afrika, Xaalad Adagna Ka Soo Saartay Mali

Ruushka oo Wajahaya Caqabado Amni oo Ka Jira Galbeedka Afrika, Xaalad Adagna Ka Soo Saartay Mali

Ruushka ayaa la tacaalaya caqabado amni oo sii kordhaya kadib markii uu xiriir dhow la yeeshay dalal ku yaalla Galbeedka Afrika, kuwaasoo dhowaan iska saaray saameynta reer galbeedka kana dhigay Ruushka lamaanahooda cusub ee dhinaca amniga.

Weerarro is-daba joog ah oo ay fuliyeen kooxo hubeysan oo ka dagaallama dalalka Mali iyo Niger ayaa sare u kacay tan iyo markii xarumo amni iyo tababar loo wareejiyay Ruushka. Arrintan ayaa shaki gelisay awoodda Ruushka ee sugidda amniga dalalkan uu la yeeshay iskaashi dhow.

Xaaladda cakiran ayaa keentay in maanta Ruushka si rasmi ah ugu dhawaaqo digniin amni, isagoo faray muwaadiniintiisa ku sugan Mali inaysan ka bixin guryahooda xilliyada habeenkii, sidoo kalena aysan u safri karin meel ka baxsan caasimadda Bamako.

Tani waxay muujinaysaa walaaca sii kordhaya ee Ruushka ka qabo ammaanka muwaadiniintiisa iyo suurtagalnimada in ay weerarro culus kusoo wajahan yihiin danihiisa gobolka.