Liverpool, Arsenal Mise Man City? Kylian Mbappe Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Premier League.
Xiddiga Real Madrid Kylian Mbappe ayaa saadaaliyay in Liverpool aysan ku guuleysan doonin horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, inkasta oo ay sameeyeen saxiixyo rikoodh jebin ah xagaagan.
Liverpool ayaa ku bixisay in ka badan £400 milyan si ay ula soo wareegto Alexander Isak, Florian Wirtz, iyo Hugo Ekitike.
Inkasta oo Mbappe uu qiray hamiga Liverpool, haddana wuxuu rumeysan yahay in Arsenal iyo Manchester City, oo ay hogaaminayaan Pep Guardiola iyo Erling Haaland, ay yihiin kuwa ugu cadcad hanashada horyaalka.