Ben White oo Rajeynaya inuu ku Soo Laabto Arsenal Kulanka Nottingham Forest
Daafaca Arsenal Ben White ayaa rajeynaya inuu Sabtida ku soo laabto garoomada kulanka ay Gunners la ciyaari doonaan Nottingham Forest, kaddib markii uu seegay labo ciyaarood oo dhaawac awgiis ah.
White ayaa si weyn uga qeyb qaatay guushii 1-0 ee furitaanka xilli-ciyaareedka ee ay Arsenal kaga adkaatay Manchester United, isagoo ka caawiyay in la ilaaliyo shabaq nadiif ah. Wuxuu hadda ku jiraa marxalad fiican oo soo kabasho ah, waxaana xaaladdiisa la qiimeyn doonaa maalmaha soo socda.
Iyadoo ay soo socdaan ciyaaro waaweyn oo ay la leeyihiin Manchester City iyo Newcastle, Arsenal ma doonayso inay dedejiso soo celinta ciyaartoyda dhaawaca qaba, oo ay ku jiraan Bukayo Saka iyo William Saliba.
Kadib kulanka Forest, Gunners ayaa Salaasada bilaabi doona ololahooda Champions League, iyagoo la ciyaari doona Athletic Club.