Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Hoggaanka Xamaas ka badbaadeen weerarka ay Israa|l

Hoggaanka Xamaas ka badbaadeen weerarka ay Israa|l

Wakaaladda wararka ee Reuters, ayaa ku warrantay inay hoggaanka Xamaas ka badbaadeen weerarka ay Israa|l ku beegsatay dhisme uu shir uga socday oo ku yaalay magaalada Dooxa ee caasimadda Qatar.

Qatar oo cambaareysay weerarka ka dhacay dhulkeeda ayaa sheegtay inay faahfaahin ka soo bandhigi doonto weerarka lagu beegsaday hoggaanka Xamaas ee ka dhacay magaalada Dooxa.

Warbaahinta Israa|l , ayaa ku warrantay hoggaanka Xamaas ee lagu beegsaday Dooxa inay ku jiraan;

•Khaled Mashal, hoggaamiyihii hore ee siyaasadda Xamaas kana mid ah gudiga hoggaanka ee ku sugan Dooxa.

•Maxamed Ismaaciil Darwiish , guddoomiyaha Golaha Shuurada Xamaas iyo ku-simaha guddoomiyaha gudiga siyaasadda

•Khalil al-Hayya , ku xigeenka madaxa siyaasadda Xamaas.

•Zaher Jabarin, madaxa waaxda maaliyadda Xamaas isla markaana qayb ka ah guddiga hoggaan ku meel gaarka ah.

Iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska siyaasadda oo kala ah;

• Husam Badran

• Taher al-Nono

• Mousa Abu Marzouk

Dhinaca kale Telefishinka Al Jazeera , ayaa ku warramay inay badbaadeen hoggaanka Xamaas ee ay ku beegsatay Israa’iil magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Weerarka, wuxuu dhacay iyadoo hoggaanka Xamaas ay wada-xaajood ka lahaayeen soo jeedintii u dambeysay ee Trump, oo dalbaday in la sii deeyo maxaabiista oo la galo heshiis.