Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Sisi oo Golaha Amaanka ku Eedeeyay Laba-Wajiilnimo.!

Sisi oo Golaha Amaanka ku Eedeeyay Laba-Wajiilnimo.!

Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa dhaliil adag u jeediyay nidaamka maamulka caalamka intii lagu guda jiray shir-madaxeedka BRICS ee muuqaalka lagu qabtay 7–8 September 2025.

El-Sisi ayaa cambaareeyay “laba-wajiilnimada cad” ee siyaasadda caalamiga ah iyo fashilka Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo sheegay in arrimahan ay saldhig u yihiin qalalaasaha caalamiga ah.


Wuxuu ku baaqay dib-u-habeyn lagu sameeyo nidaamka caalamiga ah, gaar ahaan qaabka Golaha Amaanka, isagoo xusuusiyay in Masar horey u soo bandhigtay talooyin ay ka mid tahay dib-u-eegista awoodda diidmada qayaxan ee codka veto-ga.