Iiraan iyo IAEA oo dib u cusboonaysiiyay wada shaqeynta nukliyeerka
Iiraan ayaa dib u soo celisay wada shaqeyntii ay la lahayd Hay’adda Tamarta Nukliyeerka Adduunka (IAEA), kaddib heshiis cusub oo shalay lagu kala saxiixday magaalada Qaahira.
Heshiiskan ayaa waxaa wada saxiixay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan iyo agaasimaha guud ee IAEA.
Intii uu socday dagaalkii 12-ka maalmood, Iiraan ayaa dalka ka saartay shaqaalihii IAEA ee kormeeri jiray xarumaha nukliyeerka, iyadoo ku eedeysay hay’adda inay xog u gudbineyso Israa’iil.
Si kastaba, wadahadallo muddo dheer soo socday ayaa ugu dambeyn horseeday in dib loo cusboonaysiiyo iskaashiga labada dhinac.