Khamiis, 26 Nofembar 2026
Caalamka

Ruushka oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray gudaha dhulka Poland.

Ruushka oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray gudaha dhulka Poland.

Ruushka ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku weeraray gudaha dhulka Poland , iyadoo markii u horreysay isbahaysiga NATO uu ku dhawaaqay nidaamyadooda difaaca inay ka caawiyeen Poland ka hortagga weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka, sida ay sheegtay AP.

Ma cadda in weerarka uu ku socday bartilmaameed gudaha Poland ah, balse waxa la hubo ayaa ah inuu Ruushka tijaabo ku wado habka difaaca iyo isku xirka jawaabaha deg degga ah ee ka imaan kara NATO.

Isbahaysiga NATO , ayaa hoos u dhigay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka oo gudaha u galay dhulka Poland , iyadoo warsaxaafadeed NATO ka soo baxay lagu sheegay ; “ Soo galitaanka dhulka Poland ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ruushka , uma tixgelin doono inuu yahay weerar toos ah.”

NATO, waxay ka fogaatay inuu Ruushka ku soo jiido dagaal kale , haddii ay isku dayaan inay ka jawaabaan, falcelinta hadda ka soo baxdeyna waa mid ka mid ah ujeeddooyinka uu Ruushka diyaaradihiisa u galiyay dhulka Poland , taa oo ah inuu eego habka ay NATO u difaacayso iyo sida ay uga falcelinayaan.