Arbaco, 25 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Alexander Isak Oo Tababarkiisii Ugu Horreeyay La Qaatay Liverpool

Alexander Isak Oo Tababarkiisii Ugu Horreeyay La Qaatay Liverpool

Weeraryahanka cusub ee Liverpool, Alexander Isak, ayaa shalay markii ugu horreysay tababar la qaatay saaxiibadiisa cusub, kaddib heshiis rikoodh £125 milyan ah oo gaari kara £130 milyan, kaasoo ka dhigay ciyaaryahanka ugu qaalisan ee taariikhda Britain.

Isak, oo dhawaan kasoo baxay waajibaadkii xulka Sweden, halkaas oo uu ka qeyb galay isreeb-reebka Koobka Adduunka, ayaa dib ugu soo laabtay xarunta tababarka AXA, isagoo durba sawirro badan laga qaaday daqiiqaddii uu soo galay.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa tababarkiisii ugu horreeyay ku sameeyay shaqo gudaha ah, isagoo la falgalay Joe Gomez iyo Federico Chiesa.

Waxaa la filayaa inuu si buuxda isugu diyaariyo kulanka Premier League ee Axadda, markaas oo Liverpool ay wajahdo kooxda cusub ee Burnley.

Soo laabashada Isak ayaa kusoo beegmaysa iyadoo taageerayaasha Liverpool ay si weyn uga filayaan inuu qeyb muhiim ah ka qaato weerarka kooxda xilli-ciyaareedkan.