Joe Cole: Chelsea Waa Kooxda Ugu Cad-Cad Champions League Xilli-ciyaareedkan
Xiddigii hore ee England, Joe Cole, ayaa sheegay in Chelsea ay fursad weyn u leedahay ku guuleysiga Champions League xilli-ciyaareedkan, isagoo ku tilmaamay “kooxda ugu cad-cad” tartanka.
Xilli-ciyaareedkan, lix kooxood oo Premier League ah ayaa ka qeybgalaya Champions League: Chelsea, Arsenal, Liverpool, Manchester City, Newcastle United iyo Tottenham Hotspur.
Arsenal ayaa sanadkii hore gaartay semi-final, balse waxaa tartanka kaga reebtay Paris Saint-Germain oo ugu dambeyntii qaaday koobka.
Joe Cole oo la hadlay TNT Sports ayaa ku daray in Chelsea loo arki karo “dark horses”, balse ay sidoo kale ka mid yihiin kooxaha laga filan karo inay gaaraan heerarka dambe.
Wuxuu xusay in fursadaha Blues ay ku xirnaan doonaan qaab ciyaareedka goolhayahooda, Robert Sánchez.