Maxaa ka socda Faransiiska?
Faransiiska waxaa toddobaadkan ka socda bannaanbaxyo ballaaran oo loo yaqaan dhaqdhaqaaqa “Bloquons tout” oo micnihiisu yahay “Wax kasta aan xannibno”. Kacdoonkan ayaa ka dhashay caro ka dhalatay qorshaha miisaaniyadda dawladda ee 2026 oo lagu jarayo dhaqaale culus, sida in la hakiyo lacagaha hawlgabka, in la baabi’iyo laba fasax qaran, iyo in adeegyada bulshada la yareeyo.
Dad badan ayaa u arkay qorshahan mid si toos ah u dhaawacaya nolosha dadka dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexe, isla markaana sii kordhinaya cadaadiska sicir bararka iyo kharashaadka nolosha.

Carada bulshada ayaa horseeday in Ra’iisul Wasaarihii Faransiiska, François Bayrou uu iscasilay kaddib markii baarlamaanku kalsoonida kala noqdeen, waxaana xilka loo dhiibay Sébastien Lecornu, kaasoo noqonaya Ra’iisul wasaarihii shanaad ee Faransiiska muddo labo sanno gudahood ah , taa oo muujinaysa jahwareerka siyaasadeed ee ka jira Faransiiska.
Xataa , iyadoo uu is casilay ra’iisul wasaaraha , ma jirto wax isbeddelay,bannaanbaxyadu waxay si xoog leh u carqaladeeyeen gaadiidka, dhaqaalaha, iyo adeegyada muhiimka ah, halka boqollaal qof la xiray kadib isku dhacyo dhex maray booliiska iyo dadweynaha, waxaana isku soo baxyada socday ay noqdeen imtixaan culus oo horyaalla madaxweyne,Emmanuel Macron.
