Arbaco, 25 Nofembar 2026
Caalamka

Nato oo ku dhawaaqday Howlgal ka dhan ah Ruushka

Nato oo ku dhawaaqday Howlgal ka dhan ah Ruushka

Isbahaysiga NATO, ayaa waxyar ka hor shaaciyay inay billaabayaan howlgal  cusub oo lagu magacaabo Eastern Sentinel, oo lagu xoojinayo difaaca dhinaca bari ee Yurub, sida uu ku dhawaaqay xoghayaha guud ee NATO, Mark Rutte.

Isagoo arrintan ka hadlaya ayuu xusay in dhaq-dhaqaaqyada khatarta ah iyo ku takri-falka hawada Yurub ee Ruushka ay noqdeen kuwo soo noqnoqonaya oo si xawli ah u kordhaya, kaddib markii toddobaadkan Poland iyo dalal kale oo NATO ka tirsan uu Ruushka gudaha u geliyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Rutte waxa uu intaas ku daray in howlgalkan uu noqon doono mid ay iska kaashanayaan dalal badan oo xubno ka ah NATO, oo ay ku jiraan Denmark, Faransiiska, Ingiriiska, Jarmalka iyo kuwo kale.

Taas macnaheedu waa in la mideynayo awoodaha ciidan, qalab iyo sirdoon, si loo abuuro difaac adag oo ka hortagga iskudayga uu Ruushka cadaadis ku saarayo dalalka bariga Yurub.

Haddaba, haddii dhinaca Ruushka laga eego, Moscow waxay tallaabadan u arki doontaa isku day kale oo NATO ay ku ballaarinayso go’doominta istiraatijiyadeed ee ku wareegsan.

Ruushku marar badan ayuu ka digay in ballaarinta ciidan ee xadka bari ee Yurub ay si toos ah halis ugu tahay amnigiisa. Sidaa darteed, howlgalka Eastern Sentinel , wuxuu ka dhigan yahay fariin siyaasadeed iyo ciidan oo ku wajahan Ruushka, taasoo muujinaysa in reer Galbeedku aysan diyaar u ahayn inay dib u gurtaan.

Yurub waxay rabtaa inay muujiso geesinnimo iyo midnimadooda, halka Ruushku u arko inuu wajahayo cadaadis istiraatijiyeed oo sii kordhaya. Taariikhda dagaalkii qaboobaa ayaa tusaale u ah, markasta oo difaacyo cusub oo xuduudeed la dhiso, waxaa kordha halista in qalad yar uu sababo dagaal weyn.

Ruushku ma ku qasbanaan doonaa inuu ka jawaabo howlgalkan? Iyo haddii uu ka jawaabo, sidee ayay taasi u beddeli kartaa nidaamka amniga Yurub oo dhan? Jawaabaha waxaa bixinaya maalmaha iyo toddobaadyada ina soo aadan.