Weerar kulul oo afka oo Golaha amaanka e QM ku dhexmaray Isreal iyo Pakistan.
Weerar kulul oo afka ayaa Golaha amaanka e QM ku dhexmaray Isreal iyo Pakistan, kadib markii ay ISRL si wayn u weerartay Pakistaan, magaceedana ku celcelisay, Pakistan Ambassador waxaa uu ku tilmaamay ISRL dawlad argagixiso ah oo iska dhigaysa dhibana, waxaa ay jabisay Chater ka u gaala QM, Waxaa July dhagaha ka furaysatay baaqyada ka soobaxaya Golaha amaanka iyo golayaasha kale ee caalamka.
Netanyahu iyo wakiilka Isra|l ee Qaramada Midoobay ayaa labaduna barbar dhigay weerarkii ay ka fuliyeen Qatar , inuu la mid yahay howlgalkii Mareykanka uu ka fuliyay Pakistan ee lagu dilay , Osama bin Laden, balse tan waxay ka caraysiisay Pakistan , iyadoo fadhigii shalay uu yeeshay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay uu noqday mid ay dood kulul ku dhex martay Pakistan iyo Israa|l.
Wakiilka joogtada ah ee Pakistan u fadhiya Qaramada Midoobay, Asim Iftikhar Ahmad, ayaa hadal cad ku sheegay fadhiga , isagoo yiri ; “Wakiilka Israa|l waxaa muuqata inuusan si taxaddar leh u dhageysan doodda xubnaha golaha iyo khudbadaha maanta.
Waxaa anaga naga muuqata wax aan la aqbali karin, xitaa lagu qoslo, in dal qabsade ah oo gardarro ku caan baxay, ku xadgudbayo si joogto ah Axdiga Qaramada Midoobay… Israa|l waa argagixiso iska dhigeysa dulmane, waana fikir nacasnimo ah dadkana ma aha kuwa indhaha ka xiran.”