Khamiis, 26 Nofembar 2026
Ciyaaraha

Arteta: Liverpool oo ah kuwa ugu cadcad horyaalka Premier League kadib saxiixa Isak

Arteta: Liverpool oo ah kuwa ugu cadcad horyaalka Premier League kadib saxiixa Isak

Tababaraha Arsenal, Mikel Arteta, ayaa qirtay in Liverpool ay yihiin kooxda ugu awoodda badan tartanka horyaalka Premier League kaddib markii ay saxiix rikoor ah ku keeneen Alexander Isak.

Arsenal ayaa saddexdii xilli-ciyaareed ee ugu dambeeyay ku dhammaatay kaalinta labaad, iyadoo horyaalka 2024-25 ay ka qaaday kooxda Arne Slot ee Liverpool.

 Inkastoo qaar ka mid ah falanqeeyayaasha kubadda cagta, oo uu ku jiro Gary Neville, ay rumeysan yihiin in Arsenal sanadkan jabi doonto abaarta horyaalka tan iyo 2004, haddana Arteta wuxuu aaminsan yahay in Liverpool tahay kooxda ugu cadcad.

Isagoo la hadlayey saxaafadda Jimcihii ka hor kulanka Sabtida ee Arsenal iyo Nottingham Forest, Arteta ayaa amaanay qorshaha suuqa ee Liverpool.

“Aniga ahaan iyagaa hubaal ah kuwa ugu xoogga badan,” ayuu yiri Arteta. “Waxay suuqa kala soo wareegeen, malaha, labada ciyaaryahan ee ugu saameynta badan Yurub waqtigan, waana si fiican ayay u qorsheeyeen saxiixyadooda.”