Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi oo lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobolka Sanaag
Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi ayaa lagu dilay duqeyn ka dhacday meel ku dhow deegaanka Ceellebuh ee gobolka Sanaag. Goobta uu weerarku ka dhacay ayaa qiyaastii 8 kiiloomitir u jirta magaalada Ceellebuh, sida ay sheegayaan warar hordhac ah.
Ilaa hadda faahfaahin dheeraad ah lagama hayo duqeynta, mana cadda cida ka dambeysay weerarka.
Sawirka hoose waa gaarigii uu la socday Caaqil Cumar xiliga la beegsaday:

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha warkan kala soco wararkeena xiga.