Ruushka oo Gantaalaha Iskander-M ku Daabulay Kaliningrad, Poland iyo Yurubta Galbeed oo Halis Ku Jirta.
Ruushka ayaa ku daabulay gantaaladiisa halista badan ee Iskander-M mid kamid ah waddooyinka magaalada istiraatiijiga ah ee Kaliningrad, taas oo ku dhow xadka Poland.
Wararka ayaa sheegaya in gantaaladan la casriyeeyay oo hadda gaari kara masaafad dhan 700 km, taas oo awood u siinaysa inay ku dhuftaan bartilmaameedyo ku yaalla dhul ballaaran oo Yurub ah.
Gantaalka Iskander-M ayaa si buuxda u gaari kara dhulka Poland oo dhan, sidoo kale wuxuu halis gelinayaa qaybo kamid ah Germany, Czech Republic, Lithuania, Latvia iyo xitaa Sweden.
Tallaabadan ayaa sare u qaaday walaaca amni ee Bariga Yurub, iyadoo Poland iyo xulafada NATO ay si dhow ula socdaan dhaq-dhaqaaqyada milatari ee Ruushka ee gobolka Kaliningrad.